Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee Madaxweynuhu magacaabay oo lagu soo bandhigay Muqdisho

0

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho uga dhawaaqday Golaha Dhaqaalaha Qaranka kaasoo bishii July ee la soo dhaafay lagu magacaabay Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya.

Xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa lagu soo bandhigay xubnaha Golaha dhaqaalaha Qaranka, kaas oo dawladda kala talinaya arrimaha dhaqaalaha dalka iyo diyaarinta dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale.

“Waxa aan ku faraxsanahay in daah-furkaan golaha dhaqaalaha qaranka uu ku soo beegmay xilli aan guulo fara badan kasoo hoynay dhanka maamul wanaagga maaliyadda qaranka oo wadanku rajo wayn ka qabo in uu soo buuxiyo dhammaan shuruudihii lagaga saamixi lahaa daymaha. Waxan kalsooni weyn ku qabaa in golahaan uu kusoo biirin doono geedi socodkaas fir-fircooni si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo in ay Soomaaliya soo ceshato kaalintii ganacsi ee ay ku laheyd dunida” ayuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu hogaaminayo madaxweynha iyo Ra’iisal Wasaaraha, waxaa xubno ka ah guddi-hoosaadka Golaha Wasiirada, madaxda dawlad goboleedyada, gudoomiyaha Bankiga dhexe iyo shan xubnood oo madax bannaan.

Xubnaha maamul Goboleedyada ugu jira Golahan ayaan kasoo xaadirin xafladda lagu shaaciyey dhismaha Golaha oo ay ku sugnaayeen xubnaha madaxa bannaan ee Guddiga loo magacaabay.