Wednesday, June 25, 2025

Golaha Shacabka oo u Codeynaya Xisaabxirkii Miisaaniyadda xukuumadda Cumar C/rashiid [Lacago maqan]

Shirka Baarlamaanka Federaalka ee maanta ayaa loo codeynayaa xisaabxirkii miisaaniyadda 2015/2016 oo muddo muran ka taagnaa, isla markaana lacago badan maqnaadeen.

Xukuumadda Cumar C/rashiid ee dowladda uu madaxda ka ahaa Xasan Sheekh ayaa xilka ka degtay iyadoo aan xisaabxir ku sameyn miisaaniyadii ay istixmaashay, waxaana xafiiska hanti dhowrka uu sheegay xilligaas in lacag dhan 110 Milyan oo Dolar ku maqan tahay dowladii Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid.

Xisaabxirka ayaa ah qaabka kaliya ee Baarlamaanku ku hubiyo in miisaaniyadda ay ansixiyeen loo bixiyay sidii sharciga ahaa, laakiin Soomaaliya ansixinta miisaaniyadda ayaa ku dhisan xaalad degdeg oo waqtigu ku dhaco, iyadoo xisaabxir sax ah aan marna la sameyn, taasoo caddeyn u ah inaan lagu dhaqmin miisaaniyadda loo ansixiyo xukuumaddaha dalka.

Waxaa kaloo la yaab leh in Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo wasiirkiisii maaliyadda Maxamed Ibraahim Fargeeti ay bannaanka ka taagan yihiin haddii lagula xisaabtami lahaa halkii ay mariyeen lacagaha maqan.

Kulanka maabta ee Golaha Shacabka oo kii 29-aad ee kalfadhiga 2-aad ayaa lagu wadaa in si fudud ay isaga ansixiyaan una codeeyaan Xisaab Xirka 2015/2016 ee laba sano kadib weli la wado.

Waxaa kaloo kulanka maanta xildhibaannada ugu codeyn doonaan haddii uu qabsoomo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxa-banaan ee la Dagaaalanka Musuqmaasuqa.

HOOS KA AKHRISO LACAGAHA KA MAQNAA XISAABXIRKA LABADII SANO EE XUKUUMADII CUMAR C/RASHIID

110 Milyan Doolar oo ku maqan Miisaaniyadda laba sano ee Xukuumadii Cumar C/rashiid [Yaa loo heystaa..?]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON