Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay 20 wasiir oo ka mida xukuumadiisa cusub, iyadoo ay dhammaantood yihiin wejiyo cusub oo xildhibaanada Baarlamaanka aan ka mid ahayn hoos ka akhriso liiska wasiirada cusub.
Magacyada Golaha Wasiirrada Cusub 27 Janaayo 2015
- Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga
- Axmed Xasan Gaboobe Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta
- Cabdraxmaan Maxamed Xuseen Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka
- Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” Wasaaradda Maaliyadda
- Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini Wasaaradda Gaashaandhigga
- Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasaaradda Arrimaha Dibadda
- Khadra Bashiir Cali Wasaaradda Waxbarashada
- Fahad Yaasiin Xaji Dahir Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda
- Cabdiraxman Yusuf Cali Caynte Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga
- Nuur Faarax Xirsi Wasaaradda Dastuurka
- Guuled Xuseen Qaasim Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta
- Cali Axmed Jaamac “Jangali” Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada
- Siciid Xuseen Ciid Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa
- Cali Xasan Cusmaan Wasaaradda Beeraha
- Xasan Axmed Muudeey Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
- Saalax Sh. Cusmaan Muuse Wasaaradda Howlaha Guud & Dib-U-Dhiska
- Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha
- Maxamed Mukhtaar Ibrahim Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda
- Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga
- Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka

Wasiirada cusubi waxay ahaayeen qorshe uu soo dejiyay Faarax Sheekh C/qaadir isla markaana madaxweynaha si weyn ugu riyaaqay, waxaana ka dhex muuqda xisbigii madaxweynaha inkastoo qaar kale oo wejiyo cusub ahi ku jiraan, waxaana la filayaa in wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha iyana lagu dhawaaqo inkastoo kuwaasi gorgortan ku jiraan.
Golaha wasiirada waa ka maqan dhowr wasaaradood oo dib loo dhigtay lana filayo in la magacaabo marka kuwani ay Baarlamanka maraan.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]