Shir deg-deg ah oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Galmudug, ayaa looga hadlay go’aankii Baarlamaanka Galmudug ay ku badbaadiyeen aayaha maamulka, kaasoo goluhu uu kusoo dhaweeyay Xil-ka-qaadstai Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxweyne ku-xigeenkii Galmudug.
Sidoo kale, Goluhu waxay ka hadleen gogosha ay maamulka Jubbanland u dhigay Dowlad-goboleedyada si looga arrinsado xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jira. Waxaana Goluhu isla garteen in wafdi heer sare ah loo diro shirkaas oo muhiimad gooni ah u leh Galmudug.
Golaha Wasiirradu waxay kaloo ka hadleen fara-gelinta Dowladda Federaalka Somalia ay ku hayso Galmudug, waxayna u soo jeediyeen inay ka shaqeyso midnimada ummadda Soomaliyeed, isla markaana ay tix-geliso hahnaanka Federaalka ah ee dalku qaatay, taasoo madaxda Qaranka ay ka muuqato in aysan ku shaqeyneyn, iyagoo u dhaqmaya in Waddanka uu ka jiro xukun kaligii-talis ah.
Dood dheer kaddib Golaha Wasiirrada Galmudug waxay soo saareen Qodobadan:
- Inay si buuxda u ayideen Go’aankii Baarlamaanka Galmudug uu 30-kii bishan kasoo saaray kulankii ka dhacay xarunta KMG ee Cadaado.
- Golaha Wasiirrada waxay ayidayaan go’aanka Maxkamadda sare ee Gal-mudug ee ay ka qaadatay kooxdii qalalaasha waday ayna horyimaadaan sharciga.
- Golaha Wasiirrada waxay ka digayaan cawaqib xumada ka dhalan karta in kooxdii laga so abaabulay Villa Somalia ay soo saaraan go’aano kale, kuwaas oo qalqalin kara amniga.
- Golaha Wasiiradu waxay so dhaweynayaan Gogosha Kismaayo ee dowlad-goboleedka Jubbaland u fidisay maamul-Goboleedyada dalka ka jira, si looga wada-xaajoodo Xaaladaha adag ee siyasadeed ee waddanku uu wajahayo, kuwaasoo dib u dhac ku keeni kara Qorshoyaalkii horumarineed ee la higsanayay.
- Dowladda Federaalka Somalia wuxuu Goluhu u soo jedinayaa inay ilaaliso hannaanka Federaalka ah ee dalka, isla markaana ay ka shaqeyso Xasillooni siyaasadeed, taasoo dalka u horseedi karta horumar iyo midnimo.
- Golaha Wasiirrada waxay soo dhaweynayaan Dadaalka IGAD ee wada-hadalka Ahlusunna iyo Galmudug, iyadoo laga codsanayo in la dadajiyo si midnimada iyo Wadajirka bulshada Galmudug loo gaaro.
- Golaha Wasiirrada waxay ugu baqayaa Dowladda dhexe iyo Saxiibbada Dowlad-goboleedyada in Galmudug lagu tageero Hanaanka sharciga iyo kala dambeynta, isla markaana ay tixgaliso Tabashada mamullada dalka ka jira.
- Ururka IGAD, Midowga Afrika, UNSOM iyo dhammaan Saxiibbada Beesha Caalamka waxaa laga codsanayaa inay laba-jibaraan taageeradooda Somalia iyadoo waliba dalka uu kujiro xalad adag oo abaareed.
- Saxaafdada madaxa-banaanka ee ka hawl-gasha Galmudug, waxaa looga digayaa sii daynta Warar kasta oo abuuri kara xiisad-siyaasadeed ama Amni-daro, isla markaana kasoo horjeeda siyasada maamulka Galmudug.