Monday, June 23, 2025

Golaha Wasiirada K/Galbeed oo Qaadacay Go’aankii dowladda Soomaaliya ee arrimaha Khaliijka

Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ka dhacay magaalada Baydhaba mar kale ku taageeray isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka iyagoo ka hor yimid go’aankii dowladda Soomaaliya.

Kulanka waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana kulanka looga hadlay arrimaha ammaanka, safarkii Madaxweynaha uu ku tagay Imaaraadka iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ayaa markale ku celiyay in ay ka soo horjeedaan go’aankii Dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka, oo ay taageersan yihiin xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Ad

Golaha Wasiirada K/Galbeed ayaa taageeray shirka Axada ka furmaya magaalada Kismaayo ee maamul Goboleedyada, iyadoo sheegay inay ka qeyb geli doonaan wafdi uu hoggaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON