Golaha Wasiiradda maamulka Galmudug ayaa kulan uu ku yeeshay Magaalada Cadaado kasoo gaarya go’aanno ku saabsan Xaaladda siyaasadeed ee maamulka Galmudug.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamud Aadan Cusmaan (Mesagowaay) ayaa saxaafadda u sheegay inay Golaha Wasiirada Galmudug isku raaceen in la joojiyo kulamada siyaasadeed ee magaalada Cadaado inta ay xaaladdu kacsan tahay.
Waxaa kaloo go’aannada ka mida in Galmudug loo daayo xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee maamulkaasi soo dhex galay iyo qoddobo kale. Ma cadda cidda guddoomisay Golaha Wasiirada Galmudug, iydoo wasiirka Warfaafinta uu taabacsan yahay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
