Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa isku raacay kulankoodii shalay in Gaadiid ay heystaan saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada milateriga ay soo celiyeen.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadin Warbixin Daraasad ah oo ay sameysay Wasaaradda Gaashaandhigga oo oo lagu ogaaday iniuu jiro gaadiid ciidanka Xoogga Dalka oo shaqsiyaad mas’uuliyiin hore iyo dadkale ay wataan, taaso ka soo horjeeda nidaamka sharciga.
Shaqsiyaadka iyo saraakiisha sare ee gadiidkan la haray ayaa wararku sheegayaan inay xilalka hore looga qaaday oo aanay wareejin iyo qaar kale oo si aan sharci ahayn loogu wareejiyay gaadiidkaasi.
Golaha Wasiirada ayaa isku raacay in dhammaan gaadiidka ciidanka la soo celiyo oo cidii soo celin weysana sharciga la horgeyn doono, iyadoo wasaaradda Gaashaandhigga loo xil saaray fulinta arrintan.