Sunday, July 13, 2025

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Safiiro cusub oo la magacaabay [Akhriso Magacyada Safiirada]

Golaha Wasiirrada Xukuumada Somalia ayaa maanta ansixyyay lix safiir oo cusub, kuwaasoo loo magabacaabayo inay danjireyaal Soomaaliya uga noqdaan lix dal oo caalamka ka mida. Shirka Golaha wasiirrada waxaa maanta shir guddoominayay ku simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna wasiirka cadaaladda Somalia, C/llaahi Axmed Jaamac [Ilka-jiir],

Lixda safiir oo la sheegay inay soo gubisay Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa dhowaanahan waxaa isku heystat madaxda sare iyadoo buuq badan uu ka dhashay 4 safiir oo laga reebay, mana la sheegin dalalka loo magacaabay.

Safiiradan ayaa ka soo jeeda  beelaha Dir, Digil & Mirifle iyo beesha Shanaad iyadoo safiiradii Hawiye iyo Daarood la isku khilaafay oo dib loo dhigay magacaabidooda.

Magacya safiirada cusub waxay  kala yihiin;

  1. C/raxmaan Ducaale Bayle – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda
  2. Cali Shariif Axmed             –
  3. Abuukar Cabdi Cismaan  – Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga
  4. C/raxmaan Sheekh Ciise   – La-taliyihii Madaxweynaha ee Amniga
  5. Fakhru-diin Maxamed
  6. Maxamed Xasan Cabdi   – Safiirkii Tanzania

Dhinaca kale golaha wasiirrada Somalia ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka maareynta maaliyada dalka ee (PFM) iyo siyaasadda xukuumadda ee nidaamka shaqaalaha u xoogsi-taga waddamada dibadda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON