-Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen aaladaha la iska arko, waxay ku meel mariyeen istaraatiijiyadda la dagaalanka musuqmaasuqa ee 2020-2023 iyo heshiisyada caalamiga ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa.
Wasiirka caddaalada ayaa golaha uga mahad celiyay ansixinta istaraatiijiyadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee qaybta ka qaadanaya dadaallada lagula dagaalayo musuqmaasuqa, sidoo kalana sare loogu qaadayo isla xisaabtanka iyo daah furnaanta si loo ilaaliyo amaanada ummadda.
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka qeybtisii hore oo sidoo kale looga hadlay xaaladda COVID19, fulinta heshiiska IMF iyo DFS, iyo amniga dalka.

Qorshan ayaa socon doona muddo $ sano ah oo ku dhammanaya 2023 xilligaas oo dowlad cusub ay dalka ka dhalan doonto sida qorsheysan.