Monday, July 14, 2025

Golaha Wasiirada oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn (Dacwadii Badda ma laga noqonayaa?)

Shir aan caadi ahayn ayaa caawa Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali  isugu yeeray golaha wasiiradiisa, waxaana ku sugan inta badan golaha wasiirada iyo ra’iisal wasaare ku xigeenka.

gole-wasiiro

Shirkan ayaa la sheegay in looga hadlayo waxqabadka xukuumadda iyo arrimo ay ka mid yihiin:

  • Xaaldda siyaasadda dalka
  • Hindise sharciyeedka Maalgashiga
  • Xaaladda dacwada Xuduudka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya

Waxaa Golaha wasiirada warbixin ka jeediyay khubaro ku howlaneyd dacwada ay Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Adduunka oo ka hadlay halka ay arrintaasi mareyso iyo tallaabooyinka loo baahan yahay inay qaado xukuumadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa arrintan u xil saartay Khubado dhinaca Badda ah oo isugu jira Soomaali, Faransiis iyo Mareykan. 13-ka bishan July ayaa xukuumadda Soomaaliya ay gudbin doontaa dooda ay qabto iyo caddeymaha ah heysato, iyadoo dalka Kenya jawaabtiisa isna laga sugayo May 2016.

Cumar C/rashiid ayaa kulankii caawa ugu sharxay golaha wasiirada warka laga faafiyay ee ah inuu gatay badda Soomaaliya, wuxuuna si faahfaahsan uga xog warramay sida wax u dhaceen iyo heshiiskii Kenya lala galay qaabkii uu ahaa. Shirka oo weli socda saqda dhexe kadib waxaa la sugayaa go’aanka lagu gaari doono sida uu noqdo.

Kulamada aan caadiga ahayn ee Golaha wasiirada ayaan inta badan ah kuwo aad u yar oo intooda badan looga arrimo aan degdeg ahayn oo iska caadi ah, ayna ahayd in shirarka caadiga ah looga doodo.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON