Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Khamiislaha ayaa maanta lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo, iyadoo looga hadlay saraakiishii xalay lagu dilay weerarkii ka dhacay Gobolka Galgaduud.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirka guddoominayey, waxaana lagu ansixiyey Guddiga maamulka Hay’adaha Saadaasha Hawada Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyeed Kheyraadka dhulka hoostiisa, Hindise Sharciyeedka xayiraadda iyo danbiyada dhaqaalaha, Habraaca Siyaasadda diyaarinta hindise sharciyeedyada iyo Hindise sharciyeedka Ruqsadaha ganacsiga.
Dhinca kale Golaha Wasiirrada xukumadda federaalka ayaa si wadajir ah tacsi ugu diray ehellada lixdii sarkaal ee lagu dilay duleedka Balanbale, waxayna falkaasi ku tilmaameen mid laga xumaado, iyadoo uu socdo baaritaanno xoog leh oo lagu soo qabanayo kooxihii falkaas geystay, waxayna dalbadeen in caddaaladda la horkeeno.
