Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho iyagoo uga hadlay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya iyo xaaladda siyaasadeed ee cusub ee uu dalka galay.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke) waxaana lagaga hadlay xaalada siyaasadeed, mid amni ee dalka, iyadoo gaba gabadii laga soo saaray qodobo dhowr ah.
Golaha Wasiirada ayaa dareen welwel leh ka muujiyeen dhaqdhaqaaqa qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka bilaabeen iyagoo mooshinka ka keenay Madaxweynaha dalka. Sidoo kale Goluhu ayaa tallaabadaas u arkay inay si weyn u dhantaaleyso arrimahan soo socda:-
- Wadajirka iyo wada shaqeynta hey’adaha Dastuuriga ee dalka.
- Xasilloonida siyaasadeed ee ay Xukuumaddu ku dhawaaqday markii la ansixiyey.
- Horumarkii laga sameeyey hiigsiga 206, gaar ahaan taabagelinta hannaanka Federaalka, dib u eegista dastuurka iyo wadiiqada wadatashiga 2016.
- Howlgallada lagu sugayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.
- Kobaca dhaqaale ee dalka.
- Golaha Wasiiradu waxay hoosta ka xariiqeen in Golaha Baarlamaanka ay kala shaqeynayaan arrimaha la xiriira wadiiqada wadatashiga 2016, sida shirkii HLPF ee Muqdisho lagu qabtay.
Golaha Wasiirada waxay sheegeen inay aaminsan yihiin inay muhiim ay tahay sii socoshada wadashaqaynta hay’adaha Dastuuriga ah ee arrimaha masiirka dalka. waxayna soo jeediyeen in xubnaha Golaha Baarlamaanka in loo baahan yahay in si mideysan looga gudbo xiliga kala guurka ah ee 2016 iyo inaan mar kale la sameyn khaladaadkii horey loo sameyn jiray xiliga dhammaadka muddada Dastuuriga ah.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]