Wednesday, June 25, 2025

Golaha Wasiirada oo Guddi u magacaabay tacadiyo AMISOM ka geysatay Marka & Xudur

Kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Maxamed Cumar Carte ayaa  looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin:

golewasiiro

  1. Arrimaha Amniga
  2. Dib u eegis lagu sameyn doono Agaasimayaaha guud ee Wasaaraha dowladda
  3. Tacadiyo ciidanka AMISOM ay ka geysteen magaalooyinka Marko iyo Xudur iyo arrimo kale

Kulanka waxaa ugu horeyn warbixinno xagga amniga ku saabsan looga dhageystay Wasiirada Amniga, Gaashaandhigga iyo Arrimaha gudaha, iyagoo Golaha uga warbixiyay xaaladaha Amniga dalka, iyadoo Wasaaradda Betroolka oo Goluhu hor dhigtay hindise sharciyeed ku saabsan xaga Betroolka dalka.

Wasiiru-dowladaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan “Beekoos” ayaa sheegay in Guddi heer Wasiir ah loo saaray dib u eegis lagu sameynayo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, isagoo xusay in Goluhu ay ka doodeen dhacdooyin ka dhacay magaalooyinka Marka iyo Xudur oo lagu eedeeyay ciidamada AMISOM inay xadgudub u geysteen dad shacab ah.

Dowladda Federaalka dhibaatooyinka waaweyn ee dalka ka dhaca Guddiyo u saarta iyadoo markaas kadib aanay waxba ka soo bixin guddi kasta oo la sameeyo.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON