Tuesday, June 24, 2025

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Guddi u magacaabay taageerada dhaawacyada weerarkii Hotel Ambassador

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ee Khamiislaha ahaa ku magacaabay guddi ka kooban wasaarado ka tirsan xukuumadda oo dhinaca caafimaadka ka taageera dadka ku waxyeeloobay weerarkii Hotel Ambassador.

Guddiga ayaa ka ka kooban Wasaaradaha: Amniga, Caafimaadka, Arrimaha Dibedda, Awqaafta, Dhalinyarada  Waxayna dadaal u geli doonaan sidii caafimaad dibadda ag loogu heli lahaa dadka ugu daran ee xaaladdooda caafimaad an dalka gudihiisa wax looga qaban karin.

Shirka waxaa guddoominayay Wasiirka Caddaaladda C/laahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir).,waxaana warbixin looga dhageystay Wasiiraddii gurmadka gaarsiiyey shacabkii ay saameeyeen fatahaadda uu sameeyey Wabiga Magaalada Beled-weyne.

Dhinaca kale waxaa Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka siiyay xaalada weerarkii Hotel Ambassador, wasiirka Amniga Gudaha  Cabdirisaaq Cumar Maxamed, isagoo sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay falkaasi argagixiso dad isugu jira Shacab iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya iyo askar.

Golaha Wasiirada ayaa Cambaareeyey weerarkii  Hotel Ambassadir, waxayna Tacsi u direen ehellada Muwaadiniintii Soomaaliyeed ee falkaasi uu saameeyey. Waxayna bogaadiyey Ciidamada Ammaanka sida dhiiran ee ay uga jawaabeen dhacadaadaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON