Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee xilka sii haya ayaa kulan aan caadi ahayn maanta uga dooday Miisaaniyadda 2017, iyo ansixinta xisaab-xirkii Miisaaniyaddii 2015.
Kulanka waxaa shir-guddoomiyay Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka Maxamed Cumar Carte. Waxaana warbixin soo hordhigtay Wasaaradda Maaliyadda oo sheegtay in guddoonka Baarlamaanku ka codsaday inay soo diyaariyaan Miisaaniyad dowladu ku shaqeyso sanadkan si looga hortago in hawlaha dawladu istaagaan.
Miisaaniyadda hore loo ansixiyay ayaa ku eg Bisha Maarso, iyadoo miisaaniyad cusub oo sanad soconeysa la ansixiyay, laguna soo kordhiyay kharashaadka ku baxaya Aqalka sare oo aan hore uga mid ahayn.
Golaha wasiirada xilka sii haya ayaanay caddeyn sida uu u qaadan karo go’aan heerkan gaarsiisan iyadoo la sugayo in xukuumad cusub uu dalku yeesho kadib doorashadii M
adaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wasiirka Maaliyadda ee xilka sii haya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa golaha warbixin ka siiyaay xisaab-xirkii Miisaniyaddii 2015, sidoo kalena Golahu ansixiyay Xisaab-xirka, oo loo dirayo Golaha Shacabka.
Ra’iisaul wasaare Ku-xigeenka Maxamed Cumar Carte sheegay in Guddi ka kooban dhowr wasaaradood oo kala ah: Dekadaha, Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Maaliyadda loo saaray xalinta cabasho ka timid shaqaale ka xoogsan jiray Dekadda Muqdisho.
Goobjooge.com