Tuesday, June 24, 2025

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo looga hadlay saddex Ajende

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Kulankan ayaa warbixin looga dhegeystay Wasaaradda Gaashaandhigga taasoo faahfaahin ka bixisay howlgallada ay wadaan ciidanka Xooga dalka ee looga horjeedo  Al shabaab sida gobolka Sh/dhexe, waxayna xustay inay ka sifeeyeen caddowga degaano fara badan, ayna sii soconayaan illaa laga xoreeyo dhamaamba degaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Sidoo kale, Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ayaa soo bandhigtay xog uruurin Shidaal oo ay sameysay shirkad lagu magacaabo Spectrum ASA, taasoo ka sameysay dhul badeedka koofurta Soomaaliya.

“Dhul Badeedka xogta laga aruuriyay waxay dhererkiisu gaarayaa 20,582.75 KM, xogtan cusub waxay kaabi doontaa xog badeed hore oo dhan 20,000 KM taas oo la soo aruuriyay 2014. Labada xog waxay sahlayaan in daraasad gun fog lagu sameeyo rajada shidaal ee ku jirta badda Soomaaliyeed.

Wasiirka Badroolka oo arrintan sharxay ayaa golaha wasiirada u sheegay  in 7 ruux oo bartay cilmiga Geology (geo-scientists) ay ka qeybgeen xog uruurinta kuwaasoo tababar lagu siiyay sida maraakiibta xogta u uruuriyaan, isla markaana dadka tababarkaan la siiyay inay aadi doonaan Qaahira, Masar si loo baro sida loo fasiro xogta.

Ugu dambeyntiina, Wasaaradda Qorsheynta ayaa golaha u soo bandhigtay Qabyo qoraal ku saabsan Qorsheynta Qaranka, waxaana Wasaaradu ay soo bandhigtay Qorshaha Qaranka, kaasoo ka duwan qaabkii hore ee loo diyaarin jiray.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON