Shir degdega ayaa goor dhoweyd la isugu yeeray Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya iyadoo shirkaasi la sheegay inuu ku saabsan yahay arrimaaha miisaaniyadda 2015 ee dowladda Soomaaliya oo dib u eegis lagu sameynayo.
Shirkan ayaa waxaa guddoominaya kusimaha Ra’iisal wasaaraha ahna wasiirka Cadaaladda C/llaahi Jaamac Ilka-jiir, iyadoo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ku sugan yahay Gobolka Bari, halka Ra’iisal wasaare ku xigeenka la sheegay inuu isaguna ka maqan shirka.
Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Khamiis waliba golaha wasiirada yeelan jireen ayaa baaqday toddobaadkii hore, waxaana golaha wasiirada shirkooda maanta laga sugayaa wasaaradda maaliyadda inay hor dhigto wax ka bedel lagu sameeyay miisaaniyadda sanadkan 2015.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]