Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa afka furtay oo si aan hore loo arag u aflagaadeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh isagoo sheegay in madaxweynaha uu danta beeshiisa u joogo Beledweyne, isla markaana kala qeybin iyo laaluush u adeegsanayo odayaasha gobolka.
“Xasan Sheekh nin sariig leh maaha, waa nin u soo dhigtay inuu dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo kan reer Hiiraan ku sarifto dano siyaasadeed waaye, waana la dagaalameynaa uma icritaafsanin inuu yahay madaxweyne Waxgal ah, intii aan la jihaadi karno waan la jihaadeynaa” waxay ka mid ahaayeen ereyo kasoo yeeray Xildhibaan Goodax.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Beledweyne u tegay in odayaasha Gobolka Hiiraan ku qanciyo ka qeybgalka dhismaha maamulka Hirshabeelle.
HOOS KA DHAGEYSO CODKA XILDHIBAANKA
GOOBJOOGE.COM