Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Goolhayihii xulka Qaranka Soomaaliya C/weli Colaad Qanyare (Gaatamow) caawa lagu dilay degmada Afgooye.
Dilka C/weli Colaad Qanyare oo hadda ahaa guddoomiyaha Isboortig degmada Afgooye ayaa rag hubeysan ku toogteen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxayna wararkii ugu horeeyay sheegayaan in dilkiisa uu ka dhacay xilli uu salaadii ku jiray taraawiixda Masjid ku yaalla Afgooye.
Dad goobjoog ah ayaa sheegay in marxuum Gaatamo lagu shex dilay Masaajid ku yaala degmada Afgooye isagoo tukanayey salaadda taraawiixda, waxaana baxsaday dableydii dilkiisa geysatay.
Allaha u naxariistee Marxuum Gaatow ayaa soo saaray ciyaartoy fara badan, isagoo ahaa khabiir dhinaca isbooriga ah wuxuuna degmada Afgooye ka waday dhaqdhaaqyo isboorti.
