Thursday, June 26, 2025

Guddi Puntland u saartay xalinta dhibaatadda Shillin Soomaaliga oo soo saaray Go’aanno (Akhriso)

Guddiga Madaxweynaha Puntland u saartay ka soo tala-bixinta qiima dhaca Shilling Soomaaliga ayaa soo saaray go’aamo lagu xalinayo dhibaatada ka dhalatay qiime dhaca shillin Soomaaliga laga isticmaalo degaanadaasi.

Guddigan oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, Wasiiro hore iyo khubaro ayaa soo saray 7 Qodob oo xal oogu heli karo Shillin Soomaaliga, waxayna kala yihiin:

1: In cashuurta Dekadda lagu qabto 20% Shillin Soomaali.

2: In mushaharka shaqaalaha lagu siiyo 20% Shillin Soomaali.

3: In Adeegyada Lacagta mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) sidoodii lagu celiyo.

4: Sariflayaasha waa inay ruqsad haystaan.

5: In cashuuraha Dowladdaha hoose Shillin Soomaali lagu qaado.

6: In Sarifka uu jaangoynayo lana soconayo Bangiga Dowladdu.

7: In Kalsoonida isticmaalka Shillin Soomaaliga ay kawada shaqeynayaan Dowladda iyo Ganacsatada.

8: In Lacagaha ku badan Suuqa ee Shillin Soomaaliga ah lagu xereeyo Bangiga Dowladda, iyo in la mamnuucay lacag Loo kala raro Gobolada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON