Monday, July 14, 2025

Guddiga Baarista Dowladda: Raashinka WFP waa mid wanaagsan oo aan dhicin [Maxaa isbedelay? War-saxaafadeed]

War-saxaafadeed ay soo saareen Guddigii ay dowladda Soomaaliya u saartay baarintaanka Raashin lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo lagu soo eedeeyay inay hay’adda Cuntada ee Q/Midoobay u waday Gobolka Gedo ayaa soo bandhigay warbixinta baaritaan ay sameeyeen, waxayna ku sheegeen in Raashinka Hay’adda aanu dhicin oo kaliya ay jirtay in Konteenar roob soo daayay uu qaar ka mida raashinka waxyeelay.

Guddiga ay dowladdu u  saartay  baaritaanka Raashiin dhacay oo lagu qabtay garoonka Muqdisho 17-kii May iyo 14-kii June ee sanndkaan, kaas oo ay ku wada jiraan wasaaradaha Arrimaha, Gudaha Xeer ilaaliyaha Qaranka, Wasaaradda Beeraha iyo taliska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed, ayaa kormeerro ay ugu kuurgalayeen xaaladda keydka hey’adda WFP ee magaalada Muqdisho, si ay u xaqiijiyaan eedeyn loo jeediyey hey’addaasi.

“Guddiga oo si taxadar leh u fulinaya howshii ay Xukuumaddu u xil saartay, ayaa kormeerray keydka ay hey’adda WFP ku leedahay Dakedda Muqdisho,  halkaas oo lagu hubiyey Raashiinka ku keydsan, iyadoo raashiinkaasi la xaqiijiyey in uu yahay midka wax soo saarka Soomaaliya oo laga iibiyey Beeraleyda Soomaaliyeed, tayadiisuna ay aad u wanaagsan yahay, guddiga xaqiijinaya in Keydkaasi  dhammaan raashiinka ku jira uu yahay in wanaagsan”.

Sidoo kale guddiga oo ku howlan baaritaannada, ayaa kormeerray Raashiin ku jira Koteennaro yaalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo qaarkood ay wasakheeyeen roobabkii da’dayey maalmahan, hasa yeeshee Tayo ahaan aad u wanaagsan.

Guddiga, ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinaya in raashiinka magaalada Muqdisho hey’adda WFP in uu yahay mid wanaagsan oo ka madax bannaan eedeymaha loo jeediyey.

SAWIRRO

rashinkii-wfpp-ee-la-qabtay-1

rashinkii-wfpp-ee-la-qabtay-2

rashinkii-wfpp-ee-la-qabtay-6

rashinkii-wfpp-ee-la-qabtay-7

rashinkii-wfpp-ee-la-qabtay-8rashinkii-wfpp-ee-la-qabtay-9

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON