Guddiga cusub ee Doorashooyinka heer Federaal ayaa lagu wadaa inay maanta soo gaaraan go’aankooda ku saabsan doorashada 2016 tan iyo intii la magacaabay.
Guddiga oo uu guddoomiye u yahay Cumar Maxamed Cabdulle ayaa saxaafadda isugu yeeray shir jaraa’id oo ay ku qaban doonaan magaalada Muqdisho, kaasoo la filayo inay ku dalbadaan waqti dheeraad ah in la siiyo si ay u qabanqaabiyaan doorashada dib u dhacday.
Guddigan oo ka kala yimid xafiisyada madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaa kaloo ku jira xubno ay soo magacaabeen maamul goboleedyada dalka, waxaana dhowaanahan uu shirar la lahaa madaxda dowladda Soomaaliya iyo wakiilada Beesha caalamka.
Guddiga ayaa kulankii ugu danbeeyay la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh
Xilliga doorashada Baarlamaanka ayaa kaliya waxaa hadda ka harsan 18 maalmood, taasoo ay muuqato inaysan suuragal ahayn doorasho waqtigeeda ku dhacda.
Madaxda Madasha Qaran oo hore u balanqaaday inay doorashadu ku dhici doonto xilligii loogu talogalay, iyadoo aanay jiri doonin wax muddo kororsi ah, taasoo hadda u muuqata in fashilkeeda lagu wareejiyay Guddiga Doorashada ee dhowaan la sameeyay.
Goobjooge.com