Friday, June 27, 2025

Guddiga Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka oo kalsoonidii kala laabtay Wasiirka Dastuurka [War-saxaafadeed kulul]

Guddiga Dib u eegitsa ee labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa kalsoonidii kala noqday Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qebdiid) oo ka kooban lix qodob ayaa sabab looga dhigay tallaabada kalsooni kala noqoshada Wasiir Xoosh oo la ogeysiiyay Gudoonka Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaliya, Ra’iisal Wasaaraha  iyo Madaxweynaha.

Wasiir Xoosh ayay Guddigu ku eedeeyeen inuu ka baxay wadashaqeyntii ay ka lahaayeen arrimaha Dastuurka, isagoo keligii isku koobay shaqada Dib u eegista Dastuurka, waxaana qoraalka lagu soo bandhigay arrimaha loo cuskaday hab-dhaqanka Wasiir Xoosh.

Waxay soo jeediyeen in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu Wasiir Xoosh ka qaado tallaabo sharciga waafaqsan, isagoo aan u qalmin xilka uu hayo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON