Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan su’aalo weydiin ah kula yeeshay madaxda Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo AMISOM oo ay ka mid ahaayeen danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Maman Sidikou, taliyaha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Jeneral Jenathan Ronu, ku xigeenkiisa iyo saraakiil kale oo ka tirsan AMISOM.
Gudoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Xuseen Carab Ciise ayaa kulanka oo ay ugu yeereen AMISOM shir gudoominayay, waxayna guddigu weydiiyeen madaxda iyo saraakiisha AMISOM dhacdooyin iyo tacadiyo ay ciidamada AMISOM ka geysteen deegaanno ka mid ah gobalada Shabellaha Hoose, Hiiraan iyo Bakool.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la isku af gartay inay jlbada dhinac guddi isku dhaf ah loo xil saaro baarista xadgudubyada lagu eedeeyay ciidamada Cidamada AMISOM.
Arrintan ayaa noqoneysa tallaabadii ugu horeysay ee hay;adaha dowladda Soomaaliya ka qaadaan tacadiyo xasuuq ah oo ay ka geysteen gobolada Koonfureed.
Waxaa dhacdooyinkaas ugu danbeeyay falkii Itoobiya ee gobolka Hiiraan ay 9-kii bishan ku laayeen dada shacab ah degaanka Halgan ee gobalka Hiiraan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]