Wednesday, July 2, 2025

Guddiga Doorashada Dadban oo bilaabay safarro dibadeed & xilligii doorashada oo is guraya

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa safarkoodii ugu horeeyay uga dhoofay dalka iyagoo tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Socdaalka Guddiga ayaa la sheegay inuu yahay sidii ay ula kulmi lahaayeen Wakiilada Beesha Caalamka, waxaana kulan kula yeesheen magaalada Nairobi Jaaliyadda Soomaalida ee Nairobi.

guddiga-doorashadaGuddoomiyaha Guddiga Federaalka Doorashooyinka Dadban Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhageey) ayaa warbixin ka siiyay xaaladda doorashooyinka, isagoo sheegay  in howsha doorashada ay tahay shaqo ay  wadajir u qaban doonaan guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban ee dalka, guddiga xalinta khilaafaadka, goob joogayaal caalami ah, kuwo maxali ah iyo bahda warbaahinta.

Guddiga oo caqbado badan horyaallaan, isla markaana waqtigooda aad u yar yahay ayay culeys kale ku noqoneysaa inay bilaabaan safarro dibadeed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON