Tuesday, July 1, 2025

Guddiga Doorashada Federaalka oo joojiyey kuraas Berri lagu Dooranayo Beledweyne

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa joojiyey saddex kursi oo la filayey in Berri lagu doorto magaalada Beledweyne.

Qoraal lagu faafiyey baaraha bulshada Guddiya FEIT ayaa lagu sheegay in la ogeysiinayo bulshada Soomaaliyeed iyo Daneeyeyaasha Doorashada in la hakiyey kuraasta tirsigoodu kala haya HOP010, HOP030 iyo HOP066, inta laga saxayo habraacooda.

Saddexdan kursi oo hore Guddiga SEIT Hirshabelle u hakiyey ayaa maanta la fasaxay, lamana shaacin sababta loo hakiyey, iyadoo guddiga FEIT uu muddooyinkaan ku kala qeybsanaa soo saarista qoraallada noocan oo kale ah.

Guddiga Doorashad Hirshabelele ayaa la filayaa inuu ku gacan seyro qoraalka Gudiga FEIT, sida uu yeelay qoraalkii lagu hakiyey kursiga uu kusoo baxay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON