Guddiga Doorashada heer gobol ee maamulka Galmudug ayaa shardi cusub ku soo rogay xildhibaanada doonaya inay isu sharxaan Aqalka sare ee Baarlamaanka.
Guddiga Doorashooyinka Dadban ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in aysan aqbali doonin inay xilka aqalka sare isu soo sharxaan ma’suuliyiin haya xilal kale sida uu sheegay afhayeenka Guddiga Yuusuf Diiriye.
Waxaa loogu baaqay musharixiinta labada aqal ee Baarlamaanka inay degdeg isaga xaadiriyaan magaalada Cadaado oo ah halka ay ka dhaceyso Doorashada xubnaha labada aqal ee Gobollad Dhexe.
Waxaa magaalada Cadaado ku qulqulaya musharaxiinta doonaya xildhibaannimada labada aqal ee Baarlamaanka ee ka soo jeeda degaanada Gobollada Dhexe.
Goobjooge.com