Sunday, July 13, 2025

Guddiga Doorashada Galmudug oo waqti kale ku kordhiyey is-diiwaangelinta Musharixiinta Madaxweynaha..

Gudigga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug ayaa markii saddexaad mudo kordhin u sameeyay waqtiga is-diiwaangelinta musharixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka ee aan weli is-diiwaangelin.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug Xuseen Tahliil (Calool-Geel) ayaa sheegay in mar kale ay muddo 24 saac ah ugu kordhiyeen musharixiinta doonaya inay is diiwaangeliyaan, wuxuuna intaas ku dareen in doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay waqtigeeda ku dhici doonto.

Wuxuu sheegay in ilaa hadda ay is diiwaangeliyaan 5 musharax oo u taagan xilka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo 4 musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug, wuxuuna ugu baaqay musharixiinta doonaya inay is diiwaan geliyaan inay ku kalsoonaadaan Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashada.

Arrintan ayaa ku soo beegmaya iyadoo afarta musharax ee mucaaradka ah ay shuruudo cusub ku xireen inay ka qeyb galaan doorashada, iyadoo ku baaqay in la kala diro Guddiga Doorashada ee hadda shaqeynaya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON