Guddiga doorashada Jubba oo qabanqaabinaya doorasho dhammaadka bishan ka dhici doonta magaalad Kismaayo ayaa la filayaa maanta lagu dhawaaqo, kadib fadhi uu yeelanayo Baarlamaanka Juba.

Guddoomiyaha Baarlamanka Jubba Sheekh Cabdi Yuusuf ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada Jubba ay howshiisu noqon doonto sidii loo taaba gelin lahaa doorashada madaxweynaha Jubba ee dhowaan dhicii doonta, waxaana guddigan laga dhex magacaabayaa xildhibaanada Jubba.
Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe ayaa shalay ka dalbaday Baarlamaanka Jubba inay kordhiyaan waqtiga ay u qabteen in la doorto Madaxweynaha oo ah 15-ka Bishaan isagoo sheegay inuusan waqtigaasi ku filneyn, loona baahan yahay in la kordhiyo.
Waxaa shaki weyn laga muujinayaa doorashada Juba oo uu musharax Axmed Madoobe ugu awood badan yahay, sida ay ku dhici doonto, waxaana arrintan qaadacay siyaasiyiinta gobolka Gedo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]