Monday, June 23, 2025

Guddiga Doorashada oo awoodi waayay inay waqti u qabtaan Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Guddiga doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ku faahfaahiyay arrimaha Doorashada.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar  Dhagey) ayaa sheegay in xilli dhow ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya, isagoo aan waqti rasmi ah u qaban, kuna gaabsaday inay dhici doonto ka hor 2017

Waxaa kaloo shirka jaraa’id looga hadlay doorashooyinka aqalka hoose ee ka socda maamulada dalka, iyadoo maamulka Jubba lagu bogaadiyay inay soo dhameystireen doorashada Aqalka hoose.

Shirka jaraa’id ee Guddiga Doorashooyinka oo aan waqti cayiman loo qaban doorashada madaxweynaha ayaa ka dambeeyay kulan maanta ka dhacay xarunta Xalane oo looga hadlay sidii loo dedejin lahaa doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Cumar Dhagey ayaa sheegay in aakhirka toddobaadkan Guddigu bixin doono shahaadada aqoonsiga xildhibaanada la doortay.

Hore ayaa loo qorsheeyay in 30-ka Novembar oo ku beegan Arbacadda, iyadoo ay muuqto in markii saddexaad ay dib u dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON