Guddiga Doorashada Dadban ayaa walaac weyn ka muujiyay xaalado qalafsan oo hareeyay Doorshada Aqalka hoose ee magaalada Cadaado.
Dhacdooyin isdaba joog ah oo ku saabsan qalalaase, cabashooyin ergooyin iyo nabadoonno la xayiray, qaar afduuban iyo musuq baahay ayaa laga soo weriyay magaalada Cadaado.
Guddiga Doorashada ayaa war kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu ka walaacsan yahay wararka uga imaanaya Cadaado, isla markaana ay wadaan qiimeyn ku saabsan xaaladda Doorashada.
Shalay ayay ahayd markii ay rasaas ka dhacday xarunta Doorashada magaalada Cadaado, iyadoo wasiir ka tirsan maamulka Galmudug la xiray, isla markaana dib loo dhigay doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.
Waan ka walaacsannahay wararka ka imaanaya Cadaado. Qiimeyn baan ku wadnaa xaalada. #Doorashada2016 #Somalia
— Doorashada2016 (@doorashada2016) November 14, 2016