Wednesday, June 25, 2025

Guddiga Doorashada oo bilaabaya qabashada Musharixiinta kuraas ka bannaan Baarlmaanka [Akhriso]

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa bilaabay diyaargarowga doorashada kuraas ka bannaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Xaliimo Ismaaciil ayaa codsi u dirtay beelaha leh saddex kursi oo xilligan ka bannaan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday inay keensadaan Musharixiintii u tartami lahaa kuraastaasi muddo toddobaad gudihiis ah.

Kuraastan oo uu ka mid yahay kursigii uu banneeyay Wasiirkii hore Howlaha Guud Cabbaas Siraaji oo muran ka taagan tahay, dacwadiisuna gaartay maxkamadda sare ayaa beelaha loo qabtay inay soo diiwaangeliyaan musharixiinta iyo ergada inta u dhaceysa 31 Janaayo ilaa 5-ta Febraayo.

Lama sheegin xilliga la qaban doono doorashada kuraastaasi oo kala dhacaya Kismaayo, Cadaado  iyo Jowhar, waxaana ka geeriyooday: Cabdullaahi Sheekh Siraaje, Bootaan Ciise Caalin iyo Saciid Xasan Geedi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON