Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay howlihii Doorasho ee ka socday magaalada Jowhar ilaa iyo amar danbe.
Go’aanka Guddiga ayaa soo baxay kadib markii xalay is rasaaseyn iyo rabashado ka dhaceen intii lagu jiray doorashada kursi u ku tartamayeen musharixiinka tirsan Beesha Gugundhabe.
Waxaynu hakinnay doorashada kuraasta dhiman ee Golaha Shacabka ee Jowhar ka dhici laheyd ilaa amar dambe. #Doorashada2016 #Somalia
— Doorashada2016 (@doorashada2016) November 18, 2016
Guddiga Doorashada ayaa cambaareeyay rabashada ka dhacay magaalada Jowhar iyo dhiiga ku daatay sida ay ku baahiyeen bartooda Twitter-ka, waxaana gebi ahaan la hakiyay Doorashadii xubnaha Aqalka hoose ee magaalada Jowhar ka socotay.
Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in iska hor imaadkii ka dhashay doorashada ee xalay ka dhacay halkaasi ay ku dhaawacmeen 6 qof, iyadoo saddex ciidan oo kala duwan ay rasaas fureen.
Xaaladda ayaa markii danbe la dejiyay iyadoo ay soo dhex galeen mas’uuliiinta maamulka Hirshabeelle iyo ciidamada AMISOM.
Goobjooge.com