Monday, July 14, 2025

Guddiga Doorashada oo war kasoo saaray Doorashada Aqalka hoose ee Jowhar

Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Federaalka ayaa war kasoo saaray Doorashada hakadka la geliyay ee Aqalka hoose, kana socotay  magaalada Jowhar.

Guddiga oo war kooban soo saaray ayaa sheegay inay ogolaadeen in dib loo bilaabo doorashada Aqalka hoose e ka socotay magaalada Jowhar, laakiin dib loo dhigay kursiga beesha Jidle/Gugundhabe ee shaqaaqadu ka dhacday.

Maanta ayaa la filayaa in magaalada Jowhar lagu doorto shan kursi oo ka mida Aqalka hoose ee Baarlamaanka, iyadoo ay magaalada ku qulqulayaan ergooyinka kala duwan.

Baaritaanka shaqaaqadii ka dhacday magaalada Jowhar ayaa weli socota iyadoo aan wax go’aan ah laga gaarin falkaasi oo uu ku eedeysan Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON