Thursday, July 10, 2025

Guddiga Doorashada Puntland oo heshiis la gaaray Guddiga Doorashada Qaranka

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa magaaladda Muqdisho heshiis wadashaqeyn ah kula gaaray Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey)  Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in arrimaha labada dhinac ay isku afgarteen ay kamid tahay sare u qaadidda wadashaqeynta, iyagoo iska kaashanaya doorashooyinka dowladaha Hoose ee dhawaan ka dhacaysa Puntiland.

“Waxay gaareen hadda labada Guddi heshiisyo hordhac ah oo ay ugu horeyso heshiis is afgarasho ah iyo wada shaqeyn iyo in maadaama Guddigeenu yahay heer Federaal inuu aad wax ugala qabto Guddiga doorashooyinka Puntiland oo mardhow galaya doorashooyinkii dowladaha hoose inaan isla dardargalino ama aan u baadigoobi laheyn dhaqaalihii doorashada looga qeybgali lahaa” sidaas ayay hadalkeeda sii raacisay Guddoomiye Xaliimo Yarey

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntiland Cabdiraxmaan Diiriye Samatar ayaa balan qaaday in dhankooda ay si dhow ula shaqeyn doonaan Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, isagoo Guddiga ku bogaadiyay sida ay uga go’an tahay in la iska kaashado hirgalinta doorasho qof iyo cod ah oo la filayo inay dalka ka dhacdo sanadka 2020.

Heshiiska is afgaradka iyo wada shaqeynta ah ay gaareen Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga doorashooyinka Puntiland ayaa bilow u ah dadaalada Guddiga doorashooyinka heer qaran ay ku doonayaan inay wada shaqeyn ula yeeshaan dowlad goboleedyada si looga miro dhaliyo hadafka Guddiga oo ah in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah marka ayd hamaato mudada dowladda hada shaqeyneysa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON