Guddiga Doorashada Qaran ayaa maanta hortegaya xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaalaiya.
Xildhibaanada ayaa lagu wadaa inay su’aalo weydiiyaan Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kadib khudbad ay dhowaan guddoomiyaha Guddiga u jeedisay Baarlamaanka.
Xalimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa sheegtay in doorashada hal qof iyo hal cod ah ay u baahan tahay sharci, shaqaale iyo qoonde rasmi ah.
Waxay ka cabatay inaysan jirin dhaqaalihii guddiga ku shaqeyn lahaa, isla markaana ay jiraan caqabado fara badan oo ay la wadeegeen Baarlamaanka.
Suuragalnimad doorasho guud oo Soomalaaya ka dhacda 2021 ayaa shaki badan laga muujinayaa, waxaana ka horeeya arrimo fara badan oo wax ka qabasho u baahan.