Monday, June 23, 2025

Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ee heer Gobol oo la magacaabay [Akhriso Magacyada]

Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmee Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magacaabay Guddiga Doorashada maamulkaasi ee heer gobol.

Guddiga oo ka kooban 8 xubnood waxay ka socdaan beelaha Jubbooyinka, iyadoo ay jiraan beelo ka hor yimid magacaabidda guddigan oo ka maqan.

Magacyada Guddiga Doorashada Heer Gobol ee Jubbaland waxay kala yihiin:

1. Cabdi Cali Raage

2. Maxamuud Xassan Cilmi

3. Maxamed Wali Cabdullaahi Cumar

4. Maxamed Cusmaan Gaab

5. Axmed Maxamed Cumar

6. Xasan Maxamed Xasan

7. Ladan Xirsi Ismaaciil

8. Khadiija Maxamed Ibraahim

Guddigan ayaa qaabilsan maamulka doorashada xildhibaanada aqalada hoose iyo kan sare ee xubnaha laga soo dooranayo magaalada Kismaayo ee maamulka Jubba.

Waxaa ka maqan Guddiga doorashada Jubbaland ee heer Goboleed 3 xubnood oo ay soo magacaabeyso dowladda Federaalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON