Tuesday, July 1, 2025

Guddiga Doorashooyinka oo diiwaan geliyey 6 Xisbi oo cusub & Xaliimo Yarey shaacisay inay shaqeynayaan ilaa…

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee ay hoggaamiso Xaliimo Ismaaicil Ibraahim ayaa shahaadooyin ku-meel-gaar ah guddoonsiiyey Lix (6) Xisbi oo cusub oo ka mid noqon doona xisbiyada sida ku-meel-gaarka ah u diiwaan-gashan.

Munaasabada shahaadooyinka lagu guddoonsiiyey xisbiyada cusub ayaa ka dhacday xarrunta dhexe ee GMDQ ee Magaalada Muqdisho maanta oo taariikhdu tahay 7/10/2020. Xisbiyada la diiwaan-geliyey ayaa kala ah:

1. Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda.

2. Xisbiga Qaransoor

3. Xisbiga Cadaaladda iyo Dib U heshiisiinta

4. Xisbiga Jamhuuriga Soomaliyeed

5. Xisbiga Cagaaran ee Soomaaliyeed

6. Xisbiga Nabadda iyo Midnimada

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan eeD oorashooyinka Xaliima Ismacil Ibrahim oo sheegtay in xisbiyadu yihiin habka lagu tartamo siyaasada, ayna lagama maarmaan tahay in xisbi kasta uu furto xaafiiskiisa.

Waxay ku adkeysata inuu sii shaqeyn doono Guddiga marba hadii la qaatay nidaam dimoqraadi ah, ilaa ay ka imaaneyso dowlad Milateri oo xoog wadata sida ay tiri, waxayna sheegtay in dad badan is-wedyiinayaan maadaama doorasho la gelayo waxay tahay shaqada Guddigooda, waxayna ku jwaabtay in shaqadooda aysan aheyn mid dhammaaneysa.

Ugu dambeyn xaliimo Yareey waxaa ay sheegtay in Guddigooda sidoo kale Shaqadooda ay tahay diyaarinta doorashooyin qof iyo Cod ah ee afti dadweyne, isla markaana qorshahaas ay wadaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON