Wednesday, July 16, 2025

Guddiga Doorashooyinka oo ku jira safarro joogto ah & shaqadiisii oo lagala wareegay

Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Soomaaliya oo howlihiisii ku soo koobmeen inuu socdaallo joogto ah mar waliba ku tago dalalka dunida ee doorashooyinka ka dhacayaan xilli howshoodii ay u xil saarnaayeen ay la wareegeen madaxda maamul goboleedyada iyo Madasha Wadatashiga Qaran.

Xubnaha Guddiga ayaa dhowaan tegay dalka Tanzania iyagoo  korjoogto ka ahaa doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi iyagoo ku qaatay muddo laba toddobaad, isla markii guddigu ku soo laabtay ayaa haddana waxay u duuleen dalka Turkiga oo doorashadii Baarlamaaniga ahaa ee ka dhacay dalka Turkiga ay kor joogto ka
ahaayeen.

Guddiga Doorashooyinka ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho markii ay safarradaasi ku mashquuleen muddo bil ku dhowaad ah.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) oo guddiga hogaaminaysay ayaa warbaahinta u sheegtay inay wax badan ka soo kororsadeen doorashadii ka dhacday dalka Turkiga, isla markaana ay guddigooda diyaar u yihiin inay ku dabaqi doonaan howlahooda.

Guddiga Doorashooyinka oo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda inay howlgab yihiin waxaana shaqadii doorashada iyo qaabka dalka looga hirgelin karo kala wareegay madasha wadatashiga oo ay dhiseen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira oo qaarkood aysan aqoonsaneyn guddiga.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON