Monday, July 14, 2025

Guddiga Doorashooyinka oo maanta hortegaya Baarlamaanka Federaalka & Xildhibaanno ku dhegan Xaliimo Yarey

Gudiga Doorashooyinka Qaran ayaa maanta hortagay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay dalbadeen xildhibaanno, balse uu Guddiga sheegay inuu warbixin u jeedin doono Golaha.

Arrintan ayaa imaaneysa iyado ay socoto dooda adag ee Sharciga Doorashooyinka, taasoo Guddiga madaxda bannaan ee Doorashooyinka ay si weyn ugu dhaliileen xildhibaannada qaarkood, kuna eedeeyee inay olole ug jiraan Doorasho aan sharcigeedii la ansixin iyo qaab Doorasho oo ay iyadu doonayaan.

Ajandaha fadhiga Baarlamaanka ayaa ah dhageysiga Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo sii wadista Dooda Sharciga doorashooyinka Qaranka. Xildhibaanno badan ayaa doonaya in Guddoomiyaha Guddiga Xaliimo Yarey uga jawaabto su’aalo badan oo Guddiga ku saabsan.

Guddiga Xaliimo yarey u tahay Guddoomiyaha ayaa ku adkeysanay inay qaban karaan doorasho Qof iyo Cod ah, tasoo ay si weyn uga hor yimaadeen xildhibaanno badan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON