Wednesday, July 16, 2025

Guddiga Doorashooyinka oo War kasoo saaray Shaqaaqadii ka dhacday xarunta Doorashada Magaalada Jowhar

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban ayaa Warsaxaafadeed ku saabsan is rasaaseyntii xalay ka dhacday xarunta doorashooyinka ee Jowhar oo dhowr qof lagu dhaawacay.

HOOS KA KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA:

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxuu aad uga walaacsan yahay rabsahadaha gacan ka hadalka ah ee ka dhacay xarunta doorashada ee Hirshabeelle /Jowhar xalay oo ay taariikhdu ahayd 18/11/2016, markaas oo ay socotay codeeynta doorashada kursiga Beesha Jidle/ Gugundhabe.

Guddigu si adag ayuu u cambaareynayaa rabshadahii hubeysanaa, isagoo u rajeynaya muwaadiniinta waxyeeladu kasoo gaartay bogsiimo deg deg ah.

Haddaba, Guddiga oo muhiimad gaar ah siinaya amniga Doorashada Hirshabeelle/ Jowhar, gaar ahaan amniga Guddiyada Doorashooyinka, Ergada iyo Musharaxiinta, wuxuu shaacinayaa in si ku meel gaar ah loo hakiyay qabashada doorashooyinka kuraasta dhiman ee Golaha shacabka ee Jowhar ka dhici laheyd.

Guddiga Federaalkan Hirgelinta Doorashada Dadban waxuu ka codsanayaa madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Guddiga Amniga Doorashooyinka Dadban in ay qiimeyn iyo dib u eegid ku sameeyaan qorshaha suggidda amniga ee deegaan doorashada guud ahaan iyo gaar ahaan xarunta doorashooyinka Hirshabeelle.

Waxaa doorashooyinka dib loo billaabayaa marka ay Guudiga Amniga Doorashooyinka ay soo jeediyaan in dib loo bilaabo codbixinta, iyagoo xoojinaya amniga deegaan doorashada Hirshabeelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON