Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Shan xisbi siyaasadeed oo cusub siiyey shahaadooyin diiwaangelin KMG ah xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho.
Xisbiyada sida KMG ah loo siiyey shahaadooyinka ayaa ku biiraya 10 xisbi oo hore loo siiyey shahaadooyin noocan oo kale h, waxaana Guddoomiyaha Guddigaaliimo Ismaaciiil Ismaaciil Ibraahim ay sheegtay in Soomaaliya 2020 xisbi luga geli doono doorashada dalka ka dhici doonta.
Xisbiyada Shahaadada diiwaangelinta KMG ah lagu guddoonsiiyay waxay kala yihiin:
1- Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka
2- Xisbiga Caddaaladda iyo Badbaadada
3- Xisbiga Shakhsiyadda iyo Waddaniyadda Soomaaliyeed
4- Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
5- Xisbiga Xal-Qaran