Monday, June 23, 2025

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo soo bandhigay Sharruudaha Kursigii Xildhibaan ee uu banneeyay Sanbaloolshe [Akhriso]

Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay shuruudaha laga doonayo musharixiinta u tartamaya xilka kursigii xildhibaan ee uu banneeyay Taliyihii xilka laga eryay ee NISA C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe.

Guddoomiyaha guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Xaliimo Ibraahim Ismaciil (Xaliimo Yareey) iyo xubno katirsan guddigaasi,  ayaa maanta kulan la qaatay madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxmad Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku xiggeenka maamulkaasi,  Mudane Cali Guudlaawe Xuseen,  iyaggoo kawada hadlay arrimo la xiriira doorashada kursi kabanaan xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya, kaasi oo doorashadiisu ay ka  dhaceyso Magaaladda jowhar.

Marwo Xaliimo Ibrahim Ismaaciil, Gudoomiyaha guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed  oo Warbaahinta Qaranka la hadashay,  ayaa sheegtay  in muddo Todobo Maalmood ay ku diiwaan gelin doonaan Musharaxiinta u tartameysa Kursigaasi Xildhibaanimo ee Banaan, iyaddoo soo bandhigtay sharruudo ka kooban 11 Qodob oo laga rabo Musharaxiinta, waxaana ka mid ah:-

Ad

1- Inuu yahay Muwaadin Soomaaliyeed

2- In da’diisu aysan ka yaraanin 25 sano jir.

3- Inuu heysto ugu yaraan  Shahaado waxbarasho oo dugsi sare ah.

- Advertisement -

4-  In Hay’adda Dambibaarista ee  CID-da uu ka keensado Waraaq cadeeneysa in Maxkamad la saarin, Dembina uusan gelin Shantii Sano ee lasoo dhaafay.

5- Inuu kasoo jeedo Beesha Xawaadle, gaar ahaan Cali Madaxweyne.

6-  Inuu saxiixo Xeerka Anshaxa Musharaxiinta.

7- Inuu Guddiga uu usoo gudbiyo Codsiga Musharaxnimo laga Bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 03 ilaa iyo 10- Bisha Janaayo ee Sanadkaan 2018.

- Advertisement -

11-Waa inuu Bixiyaan Lacagta Diiwaan Gelinta Musharaxiinta, Musharaxa haddii uu Rag yahay waxaa laga doonayaa Lacag dhan 5,000 oo Dollar, Haddii ay Haween tahayna waxaa laga doonayaa 2,500 oo Dollar.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON