Wareegto goor dhow kasoo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa lagu magacaabay guddiga farsamada maamul u sameynta gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan oo in muddo ah dib u dhac ku yimid, kaasoo saldhig u ah maamul u sameynta labadaas gobol.
Wareegtada ayaa lagu shaaciyay magacyada 14 xubnood oo labo ka mid ah ay dumar yihiin, lamana oga sababta keentay in guddiga farsamada oo lagu waday inuu noqdo 31 xubnood la soo yareeyo, waxaase jira warar kale oo sheegaya in xubno kale dib loogu dari doono.
Hoos ka aqriso magacyada guddiga farsamada ee maamul u sameynta Sh/dhexe iyo Hiiraan.
1-Caasho Cabdulle Xasan (Raagto).
2-Maxamed Cali Nuur.
3-Cusmaan Barre Muxumad
4-Caa’isho Abuukar Cismaan.
5-Cabdikariin Shire Cabdi.
6-Bashiir Sh.Ibraahin Xaaji Cismaan.
7-Cusmaan Ibraahin Cali.
8-Maxamed Axmed Xasan (Ayax)
9-Cabdraxmaan Maxamed Diiriye.
10-Cabdraxmaan Faarax Xirsi.
11-Axmed Cabdraxmaan Abuukar.
12-Sh,Maxamuud Shiikh Yuusuf.
13-Cabdraxmaan Cabdi Cilmi.
14-Cabdraxiin Xaaji Fiqi.
Goobjooge.com