Wednesday, June 25, 2025

Guddiga Farsamada maamul u sameynta Sh/dhexe iyo Hiiraan oo lagu dhawaaqayo

Shirarkii u socday saxiixayaasha heshiiska dhismaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa lagu gaaray is afgarad ku saabsan dhismaha guddiga farsamada dhismaha maamulka labada gobol.

guddi

Horumarka laga gaaray dhismaha guddiga farsamada ayaa ka dambeeyay kadib markii wasaaradda arrimaha gudaha soo faragelisay arrintan waxaana shirarkii ugu danbeeyay oo socday shalay ilaa xalay guddoomiyay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Odowaa.

Wararkii ugu danbeeyay ee Goobjooge.com soo gaaray ayaa sheegaya in maanta lagu dhawaaqi doono dhismaha guddiga farsamada dhismaha maamul u sameynta goboladda Sh/dhexe iyo Hiiraan. Tirada Guddiga farsamada ayaa la kordhiyay si loo qanciyo beelo kala duwan, waxaana lagu wadaa in tirada guddiga ay ku dhowaan doonto ilaa 40 xubnood, kaasoo noqon doono guddigii ugu tira badnaa ee ilaa iyo hadda la sameeyo.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON