Guddiga Gurmadka ee dowladda Federaalka ayaa lacag ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee maamulka Jubbaland.
Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) ayaa maanta lacag dhan $100,000 ku wareejiyay gudoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Muxummed Maxamed, kadib kulan ka dhacay Muqdisho.
“Waxa aan horay u ballan qaadnay in guddigu ugu deeqayo Gobalka Gedo lacag Boqol Kun oo doolar ah. Waxa aan hadda lacagtaas ku wareejinnay gudoomiyaha Gobalka Gedo oo aan ka dooneyno in uu si cadaalad ah u gaarsiiyo qoysasaka dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Gudoomiyaha Gobalka Gedo Maxamed Muxummed Maxamed oo guddoomay lacagta loogu talagalay dadka gobalka Gedo daadadku dhibaateeyeen, ayaa waxa uu ka mahad celiyay gurmadka Guddiga wuxuuna sheegay inay jiraan guddi wasiiro oo maamulka Jubbaland u xil saaray arrintan, isaguna uu la wadaagi doono.