Shirkii guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa kulan ay xarunta golaha shacabka kulayeesheen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka iyo guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, waxaana Guddiga dib u eegista iyo la socodka dastuurka ee Baarlamaanka uu guddoomiyaha golaha shacabka uga warbixiyay waxyaabihii guddiga u qabsoomay muddadii uu sheqeynayay ,waxaana sidoo kale goobta lagu soo bandhigay howsha guddiga ee ku aadan dib u eegista iyo la socodka dastuurka.
Guddoomiyaha gudiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay kulanka ay maanta la qaateen guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddiga joogtada ah ee golaha shacabka.