Friday, June 27, 2025

Guddiga ka tirsan Baarlamaanka oo Guddi baaritaan u magacaabay weerarkii Hotel Saxafi [Magacyada]

Guddiga Difaaca Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu xildhibaanno ah u magacaabay baaritaanka weerarkii Qaraxyadii 9-kii bishan  lagu weeraray Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay guddoomiyaha  Guddiga Difaaca Baarlamaanka Guddoomiyaha  Xuseen Carab Ciise ayaa lagu sheegay in weerarka uu geystay dhibaatooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, loona adeegsaday dareyskii cusbaa ee ciidamada xoogga dalka.

Xildhibaan Cuseen Carab Ciise Guddiga ayaa baaritaanka weerarka u magacaabay afar xildhibaan oo ka tirsan Guddiga difaaca oo ay ka mid yihiin: Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal iyo Cismaan Cilmi Boqorre.

Lama oga  sharci  ahaanta sida guddi ka tirsan Baarlamaanka uu guddi kale ugu magacaabi karo xaalad amni, waxaana isbarbar yaac weyn ka dhex jiraa xildhibaannada Baarlamaanka oo qaarkood ay sheegteen in weerarka loo qorsheeyay in lagu dilo.

AKHRISO QORAALKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON