Monday, July 14, 2025

Guddigii Dastuurka labada Aqal oo isbedel lagu sameeyay & Maamul Goboleedyada oo xubno ku yeeshay

Gudigga dib u eegista Dastuurka labada aqal e Baarlamaanka Soomaaliya la kordhiyey tiradiisa iyadoo lagu daray lix xubnood oo cusub.

Guddigan oo ka kala yimid labada gole isla markanaa ku soo baxay qaab  doorasho ah ayaa markii danbe ay maamul goboleedyada dood ka keeneen inaan lagu metelin,  Waxaana lagu kordhiyey lix xubnood oo soo magcaabeen Maamul Goboleedyad dalka iyo G/banaadir.

Gudoomiyaha Gudig Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa shaaciyey markii ugu horeysay In Guddiga lagu daray lix xubnood oo ay iska soo xuleen lixda maamul goboleed. wuxuu intaas ku daray in tirada gudigaasi oo markii hore ay ahaayeen 10 xubnood ay hadda noqotay 16.

Arrintan ayaa muujineysa in madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira aanay ku kalsooneyn labada aqal ee baarlamaanka ee ay doonayaan in shaqsi ahaan ku yeeshaan Guddiga wakiilo, wuxuuna hadda guddigu ka baxay guddi Baarlamaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON