Monday, June 23, 2025

Guddigii Dib u eegista Guddiyada oo la kala diray iyo Guddi cusub oo la wareegay maamulka Doorashada..

Guddigii Ra’iisal wasaare Rooble u magacaabay dib u eegista iyo kala shaandheynta Xubnaha Guddiyada Doorashada ee cabashada laga keenay ayaa maanta la kala diray markii shaqadoodii dhammaatay.

Guddigan oo uu madax u ahaa Wasiirka Waxbarashada ayaa xilkii ku wareejiyay guddiga cusub ee Farsamada oo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magaaabay  maamulka Doorashooyinka, iyagoo la shaqeyn doona Guddiyada Doorashada heer federal iyo heer dowlad Goboleed.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdulkaadir Cilmi Cali ayaa isugu yeeray Guddiyada la magacaabay ee Doorashooyinka inay kusoo xeroodaan Muqdisho muddo saddex maalmood ah, iyadoo tababar toddobaad socon doono loo furi doono 24 JUne, kadibna ay dib ugu laaban doonaan degaanadooda.

Ad

Guddiga Farsamada ee hoos taga Ra’iisal wasaaraha ayaa shaaciyey in Guddiyada Doorashada marka uu tababarka u dhammaado kadib aya shaacin doonaan jadwalka Doorashada senatoorada Aqalka Sare, ayna dejin doonaan qorshahooda howleed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON